Wax ka qabashada Sababaha Aasaasiga Ah & Helida Natiijooyinka

Xaakim ahaan iyo qareen ahaan, waxaan had iyo jeer diiradda saarayay si aan u gaaro isla xisaabtanka iyo cadaaladda, iyo sidoo kale joojinta wareegyada balwadda, waxyeellada iyo dhaqanka sharci darrada ah. Waxaan diiradda saari doonaa Golaha halkaas oo aan ku qaadan doono hab dhowr ah oo ku wajahan ammaanka dadweynaha: shaqaaleysiinta saraakiil dheeraad ah oo si heer sare ah ugu tababaran sida wax looga bedello waqtiyada wax kaqabsahada, abuurista barnaamij ka jawaab celin rayid ah oo si wanaagsan loo abaabulay, iyo sii wadida barnaamijyada guulaysanaya ee maxkamadaha oo caawinaya magaalada.

Intaa waxaa dheer, waa inaan joojinaa rabshadaha wata qoryaha ee muddada dheer qaatay oo baabi’iyay nolosha magaaladeena. Xaakim ahaan oo soo saaray amarada ka  Ilaalinaya Qoryaha Khatarta Ba’an leh gacmaha shakhsiyaadka maskax ahaan u kacsan ama dhibaataysan, waan ogahay awoodda ay leeyihiin amarradan lagu ilaalinayo nolosha. Waxaan ka shaqeyn doonaa inaan ballaariyo isticmaalka amarada Ilaalinta Khatarta daran ee magaalada. Waxaan sidoo kale ka shaqeyn doonaa heerka gobolka si aan kor ugu qaado sharciyada ka-hortagga maxalliga ah ee xannibaya awoodda Seattle si ay u ilaaliso dadka deggan.

Isla markiiba, waxaan ka shaqayn doonaa inaan kor u qaado oo aan ballaariyo barnaamijyada carqaladaynta rabshadaha ee magaalada oo dhan, iyo, si dhab ah, waxaan u maalgalin  doonaa go’aamada ka-hortaggaya rabshadaha wata qoryaha sida: waxbarashada, tababarka shaqada iyo xirfadaha, la-talinta, iyo kordhinta xiriirka bulshada.

Waxaan u ololayn doonaa xarunta daryeelka qalalaasaha ee caafimaadka dhimirka ee baahida loo qabo ee Seattle iyadoon loo eegin natiijada Caafimaadka Dhaqanka. Iyo, waxaan taageeri doonaa dadaal kasta oo lagu abuurayo daawaynta isticmaalka walxaha baahida loo qabo ee lagu magaacaabo methamphetamine iyo isticmaalka aalkolada iyo sidoo kale isticmaalka opioid-ka.

Awoodida & Maalgelinta Maxaliga ah

Ka hooyo ahaan, waxaan rabaa in wiilashaydu ay awoodaan inay qabtaan shaqo macno u leh oo ay weli awoodaan inay ku noolaadaan Seattle. Dhibaatadan hadda jirta ee awood-u-helidda guriyeynta, tani suurtogal uma aha iyaga ama shaqaale kale oo badan, qoysas, iyo dhallinyaro, gaar ahaan bulshooyinka BIPOC.

Waxaan hadda fursad u haysanaa dib u eegis lagu sameeyo Qorshaha Guud ee Seattle si aan u naqshadeyno qaabka magaaladeena sanadaha soo socda. Beddelka 2, 3, 4, iyo 5 (Beddelka 1-aad waa in aan waxba la samayn) ee Qorshaha dhammaan waxay leeyihiin xubno ka qayb qaadan kara kordhinta guryaha la awoodi karo. Degmada 5-aad, si kastaba ha ahaatee, waxaa ku jira aagagga khatarta sare ugu jiro barakaca guriyeynta, oo ay ku jiraan Lake City, Bitter Lake, iyo Northgate. Anigoo tan maskaxda ku haya, waxaan eegi doonaa inaan taageero Beddelka kaas oo si guul leh u kordhinaya tirada guryaha la awoodi karo ee magaalada oo dhan.

Dhinaca golaha, waxaan sidoo kale hubin doonaa in degmada 5-aad ay hesho qaybteeda cadaalada ah ee maalgelinta kaabayaasha dhaqaalaha si ay u daboosho baahiyaha soo koraya ee degmada, oo ay ku jiraan adeega metro oo hufan oo la isku halayn karo, Badbaadada baaskiilka iyo dadka lugaynaya, adeegyada xiriirka, ka qayb qaadashada dhalinyarada, iyo in ka badan.

Fursado Loo dhan Yahay

Xaafadeena/Deegaankeena waxaa lagu qeexaa ganacsiyada maxaliga ah ee aan qadarinayno, laakiin inta badan codkooda iyo welwelkooda ayaa ka maqan sida aan u wajahno siyaasadaha iyo dejinta ajandayaasha magaalo ahaan. Waxaan rabaa in aan hubiyo in dukaamada kafeega iyo maqaayadaha, dukaamada tafaariiqda, haweenka iyo ganacsiyada ay leeyihiin BIPOC, iyo ganacsatada kale ee maxaliga ah ay ka muuqdaan Hoolka Dawladda Hoose, si magaaladeena oo dhan  looga dhiso dhaqaale kobcaya, oo adkaysi leh.

Anigoo ah hooyo dhashay saddex qof oo qaan-gaar ah,oo  dhammaan ka qalin-jabiyay Dugsiyada Dadweynaha ee Seattle, waxaan sidoo kale si qoto dheer iiga go’an inaan kor u qaado iskaashiga ka dhexeeya Magaalada, Dugsiyada Degmada, iyo Dugsiyada Ganacsiga iyo Farsamada gacanta si loo hubiyo in ilmo kastaa uu helo waddo shaqo oo leh mushahar kufilan qoyskiisa.